Home Afsomali Dhageyso Dagmada Ceelbuur oo mar kale gacmo goyn ka dhacday

Dhageyso Dagmada Ceelbuur oo mar kale gacmo goyn ka dhacday

Fagaare kuyaal degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya ayey alshabaab ku  fuliyeen xudkun gacmo goys ah

Maxkamadda Alshabaab ee  Galguduud ayaa xukun gacan goyn ah ku fulisay laba nin oo ay shegeen in ay ku kaceen fal xatooyo degmada Galcad,

qaadiga maxkamadda oo xukunka akhriyay ayaa faah faahiyay dambiga ay galeen labadan nin ee xukunka lagu fuliyay..

Cali Xuseen Jimcaale oo 24 sana jir ah iyo Cabdi Cabdulle Axmed oo 26 sana jir ah ayaa jabsaday dukaan kuyaal degmada Galcad waxayna ka qaateen lacag gaaraysa 9,730 kun shilin Soomaali ah (Sagaal malyan todobo boqol iyo sodon kun) oo udhiganta 389 dollar.

Labadan Nin ayaa sidoo kale dukaanka ka qaatay Laba Macaawis oo qiimahoodu yahay 40 dollar, sida uu sheegay qaaliga intaas kadib ayaa raggan xatooyada geystay mid walba laga gooyay gacanta midig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.