Home Afsomali Dhageyso Dr faadumo waxaan heynaa dad qaba TB da cudrka walida leprosy...

Dhageyso Dr faadumo waxaan heynaa dad qaba TB da cudrka walida leprosy Juudaan HIV

 

leprosy

 

Dadka qaba cudurada  la is qaadsiiyo ee juudaanka iyo cudura kale ayaa ku dayacan qaar ka mid ah magaalooyinka dalka

Waxaana jir ispitaalo lagu xanaaneyn jirey oo haatan howlgab noqday iyo kuwa haawanaya oo xitaal la fuqsaday dhismooyinkoodii halka qaar hada dib u dayactir lagu haayo sida ispitalka laansaleeti oo talyaanigu Muqdisho ka dhsiay dhisay 1928kii

Waxaana hada aan uba muuqan in ay ispitaalo ahaan jireen kuwii ku yaalada magaalooyinka baydhabo baraawe jowhar marka.iyo kuwo kale

ispitalka banaadir ayaa  haatan si karantiil ahaan ah loogu haayaa kooxo bukaano ah qaba cudurka juudaanka .

Xaruntii faragurow ee dagmada jilib ayaa iyadu haatan haawaneysa waxaana lagu arkaa dagmadaasi dad qaba cudurkaa oo bulshada ku dhaxjira lamina omana oga sida ay halistaa uga nabad galeen

Hadaba si aan wax badan uga ogano ayaa waxaa noo suurta gashay in aan wax ka weydiino Dr faadumo cabdi macow oo h agaasimaha guud ee ispitalka waalida iyo qabada cudurada la is qaadsiiyo ee laansaleeti

Faadumo ayaa golaha midnimada somaliyeed Somali cumunity u sharaxday baahida shacabku u qabaan in ay helaan ispitalo noocaan ah iyo sidoo kale waxa uu u baahan yihiin ispitaalada waxa ayna iyada oo arintaa iga warbixineysaa  tiri dadka qaba cudurada la isqaadsiiyo wey soo badanayaan halka ispitaaladuna sii yaraanayaan .

“ispitalkaani wuxuu daweyn jirey TB da cudrka walida leprosy Juudaan  HIV iyo kuwa kale haatana awood uma haayo waayo wuxuu ka qeybgalay burburkii dalka ku dhacay cudurada deegaanka ama cimilada  “

Haatan cudurada la isqaadsiiyo waxaa ay ka jiraan oo laga soo shegay deegaanada iyo dagmooyinka kala ah gololey jowhar jilib marka dhulka dhoobeyda ah .

lepsory

Halkaan hoose codka ka dhageyso 

Waxayna intaa ku dartay in ay gacanta ku hayaan ayna xaneyn u sameeyaan qoys ka kooban hooyo aabe iyo ilma ay dhaleen oo qaba cudurka juudaanka waxayna u baahan yihiin in dadka laga soo dhaxsaaro la xanaaneeyo la daaweeyo arintaa ay bulshadu ka qeybqaadato .

Dadkaas ayaa waayey daawooyinkii  xanaaneyntii iyo daryeelkii ay ku qabeen dowladi dhexe ee burburtay waxayna ku milmeyn dadka caadiga ah oo ay meel kula noolyihiin

Burburkii dowladii dhexe ee somaliya wixii ka danbeeyey dadkii qabay cudurada la isqaadsiiyo ee si karintiil ahaan ah ugu jiray ispitaaladi shaqeynayey ayaa magaalooyinka iska galay marka lagu daro kuwii waalnaa

faragurow

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.