Home Afsomali Dhageyso ehelada wiil ay togteen ciidamada dowlada oo diiday in la aaso

Dhageyso ehelada wiil ay togteen ciidamada dowlada oo diiday in la aaso

Ruuxa La Toogtay ayaa Lagu Magacaabaa AbshirCabdullahi Maxamed Waxaana La sheegay in Saldhiga Looga Yeeray Ka dibna La Toogtay.

Waa Arin  Naxdin Leh oo Ka dhacday Degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir taas oo dowlada Looga Fadhiyo Jawaab Deg Deg ah.

Ehelada Abshir Cabdullaahi Maxamed oo si bareer ah loogu Dilay Saldhiga Boliiska Hiliwaa ayaa ii Xaqeejiyay in aan La aasi Doonin Maydka Wiilkaas inta Dowlada Soomaaliya ay Cadaalada ka Marsiinayso Ruuxii Dilay Muwaadinkaas Soomaaliyeed.

Waxaa La ii sheegay in Saldhiga Looga Yeeray Abshir islamarkaana uu aqbalay Amarka Boliiska, Laakiin Ehelada ayaa ii sheegay in Taliyaha saldhiga Hiliwaa uu Amar ku bixiyay in La Toogto.

 

Qaar ka mid ah Eheladda wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in lagu dilay degmada Hilwaa ayaa diiday in la aaso wiilkaasi, maadaama ay sheegeen in si kas ah wiilkooda loo dilay.

Eheladda waxa ay sheegeen in wiilkooda ay dileen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Saldhiga degmada Hilwaa.

Dilka ayaa yimid ka dib markii wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Abshir Cabdullaahi ay soo waceen Ciidamada Booliska saldhigna ayna u sheegeen in dambi loo heysto Markii uu yimid Abshir, ayaa waxaa loo sheegay in uu maqan yahay qofkii soo dacweeyay, islamarkaana uu sugo inta uu imaanaayo, Abshir ayaa arintaasi diiday , waxaana la sheegay taliyaha Saldhigga in uu amray hadii uu baxo Abshir in la toogto.

waxayna suxeen in Dowlada Soomaaliya  looga fadhiyaa cadaalada in ay Mar siiyo Askariga dilka Geestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.