Home Afsomali DHAGEYSO: Faahfaahin dad shacab ah oo lagu laayay Shabeellaha Hoose

DHAGEYSO: Faahfaahin dad shacab ah oo lagu laayay Shabeellaha Hoose

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dad Shacab ah oo lagu laayay gobolka Shabeellaha Hoose ka dib markii Koox hubeysan ay rasaas ku fureen sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo maraayay inta u dhaxeysa degaanada Lambar 50 iyo degaanka Ceelasha Biyaha ayaa koox hubeysan ay rasaas ku fureen, waxaana geeriyootay Lix ruux.

Dadka dhintay ayaa waxa ku jira labo ruux oo dumar ah sidda uu xaqiijiyay mid ka mid ah waxgaradka degaanka oo somalisan  lasoo xariiray.

Dadkaan ayaa waxaa laayay Maleeshiyo hubeysan oo u abaabul qaab qabiil, waxaana goobta uu falku ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.