Home Afsomali Dhageyso falal argagax leh oo ka socdo deegaanada ku teedsan wanle weyn...

Dhageyso falal argagax leh oo ka socdo deegaanada ku teedsan wanle weyn baabuurta oo lugaha laga banjariyo iyo dumarka oo jeegbaane ……laga galinaayo iyo maamulka oo qirey

Shacabka fara ku tiriska ah ee ku nool gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wajahaya Xad gudubyo ka baxsan Xaquuqda bini-aadanka waa mid ka mid ah Dhacdooyinkii ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara gaar ahaan Gobalkaasi.

Goob joogayaal ayaa  xaqiijiyay in dhibaatooyinkaas ay ka jiraan wadada isku xirta Afgooye iyo Wanla-weyn oo ku jiraan Maleeshiyo hubeysan oo aan cidna ka amar qaadan iyo Koox ka mid ah Ciidanka Dowladda.

Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in Wadadaasi maalin walba ay ka dhacaan falal isugu jira Dil, Dhac, iyo Kufsi loo geesto dadka saaran Gaadiidka isaga Gudba wadadaaasi.

Sidoo kale Kooxda Ciidanka ah ee Wadadaasi ku jira ayaa la sheegay in Dhowr Gawaarida halkaas ku safra kala dageyn Dumar kadibna ay kufsadeyn Dumarka qaar ayaa la sheegay in dhowr rag ah oo maleeshiyada ka tirsan ay u gulmoodaan hal ilaa Labo dumar.

Odayaasha deegaanka ayaa xaqiijiyay in la dilay Dumar badan oo diiday kufsi loo geysan rabay halka qaarkoodna jirdil iyo dhibaato badan la kufsaday.

Muddo bil gudaheed ayaa la xaqiijiyay in wadadaasi ku dhintayn dad ka badan 100 qof halka aan Xisaab loo heyn Dumarka halkaas lagu kufsaday.

Dhinaca Kale Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay jiraan Dhacdooyinka foosha xun ee ka taagan Shabeelaha Hoose.

Guddoomiye ku xigeynka Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose C/fitaax Xaaji C/lle ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in ay jiraan dil, dhac, iyo Kufsi ay geysteyn Maleeshiyo ku xoogan inta u dhaxeysa Wanla-weyn iyo Afgooye.

Maamulka Gobalka ayaa Sheegay in Ciidankaas ay qaarkood ka tirsan yihiin Militariga Dowlada Soomaaliya halka qaarkoodna aysan cidna ka amar qaadan loona maleynayo in ay yihiin maleeshiyo deegaanka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.