Home Afsomali Dhageyso Farmaajo kalmadihii uu shirka ku furay albabaab waa ka adkaan weynay...

Dhageyso Farmaajo kalmadihii uu shirka ku furay albabaab waa ka adkaan weynay magaalooyinkuna waa kala xiran yihiin

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in inta  dadka Soomaaliyeed iyo Madaxda dalka uu khilaaf ka dhaxeeyo aan laga guuleysan karin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in mudo 10 Sano ka badan dagaal lagula jiray Al-Shabaab islamarkaana aan weli laga guuleysan 10,ka Sano ee soo socotana aan laga guuleysan karin.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in xiligaan lagu jiro xili adag isla markaana Al-Shabaab ay dadka Soomaaliyeed u diideen in Nabad helaan taas oo keentay in Wadooyinka qaar la mari waayo sida baydhabo  jowhar kismaayo iyo gobolada kale ee dalka oo kala xiran diyaarad moyee.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Madaxda ka soo qeyb galay shirka inay waajib ku tahay inay ka shaqeeyaan Midnimada iyo soo celinta rajada shacabka.

Waxaa uu ku cel celiyay wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, waxaana uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka is dhanka ah Al-Shaabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.