Home Afsomali Dhageyso Gabdho Soomaaliyeed oo sacuudiga lagu heysto loona geysto jirdil iyo kufsi

Dhageyso Gabdho Soomaaliyeed oo sacuudiga lagu heysto loona geysto jirdil iyo kufsi

Gabdhahaan oo horay ay Magaalada Muqdisho ay uga waday Shirkad gaar looleeyahay una sheegtay in Dalka Sacuudiga Shaqooyin iyo Waxbarasho ay ka siineyso ayaa markii laga dajiyay Magaalada Riyadh waxa ay sheegeen in Guryo lagu xirtay ayna maalin weliba jir dillo iyo Falal Kufsi uu ka mid yahay kula kacaan Dhalinyaro Sacuudiyaan ah.

Mid ka mid ah Gabdhahaasi Soomaaliyeed oo u warrameysay Saxaafada ee Magaalada Muqdisho ayaa xustay in aan loo ogoleyn in ay tagaan ama la xiriiraan Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga.

“ waxaan Dowladda Sooamaaliyeed ka dalbaneynaa in ay naga caawiso sidii dalkeenna dib naloogu soo celin lahaa” sidaas waxaa tiri Mid ka mid ah Gabdhahaasi Soomaaliyeed ee sheegay in lagu dhibaateynayo Boqortooyada Sacuudi Arabia.

Sacuudiga ayaa horay loogu qaaday Gabdho Soomaaliyeed oo la sheegay in Jaariyado ay ka noqonayaan Boqortooyada Sacuudi Arabia islamarkaana taas bedelkeeda haatan dhibaatooyin ay ka soo food saartay gudaha Dalkaas.




Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.