Home Afsomali Dhageyso Golaha Wakiilada Puntland oo Mooshin ka gudbiyey Shirkada DP world ee...

Dhageyso Golaha Wakiilada Puntland oo Mooshin ka gudbiyey Shirkada DP world ee Xaalufinta dakadaha dalka

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

Qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay mooshin geeyeen shirkada Dp World oo mudo ku dhow sanad gacanta ku heysa Dekada Boosaaso.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanada in shirkadu ay ka baxday balamihii hore ay la galeen,waxana horay u jirtay in ay Baarlamaanka Puntland ansixiyeen qorshihii shirkadaas loogu wareejiyey Dekada Boosaaso.

Xildhibaanada Puntland ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay raaceen go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka dalka uga mamnuuceen in ay ka Shaqeyso dalka Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta,isla markaana dekada Boosaaso ay ku maamusho sisharcidarro ah.

Xilhibaanada moshinka sheegay in ay ka gudbiyeen Shirkada DP World ayaa waxa ay garayaan ilaa 11 Xildhibaan.

Hoos Ka Dhageyso Codadka qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.