Home Afsomali VIDEO Dhageyso gudiga Difaaca oo Amaanay dadka Reer balad xaawo dadaalka ay...

VIDEO Dhageyso gudiga Difaaca oo Amaanay dadka Reer balad xaawo dadaalka ay ka wadaan Xaduud Beenaadka N.F.D

 

VIDEO Qeyla dhaan ka soo yeereysa somalida wajeer Buula xaawo iyo mandheera N.F.D wixii dhiiglahow kaca

Dhismaha darbiga sida sharci darfada ah uga dhiseyso xuduud Beenaadka Somaliya iyo kenya oo si xowli ah ku socda .

Waxayna Dawlada kenya ku dooneysa in ay ku xalaaleysato dhul somaliyed ayna damacsan tahaya in uu Noqdo dhismaha darbiga kala qaybiya labada xuduudood ee dalalka kenya iyo Somaliya,

dhismaha darbigan ayaa hada maraya heer bilaw ah,waxaana cabasho ka keenay shacabka soamli Kenyan ah ee degan Xuduuda xaduud beenaadka N.F.D ,gaar ahaan kuwa ku nool magaalooyinka Buula xaawo madheera  Wajeer oo dhamaantood ka wada tiran dhulka somalida ee N.F.D ee xiriirka ganacsi la leh dhanka Somaliya..

Maalmihii la soo dhaafay waxaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeysay Ciidamada Kenya iyo Shacabka ku nool degmadaas taas oo ka dhalatay kadib markii dowladda Kenya ay iskudayday in ay markale bilaawdo dhismaha derbiga.

Xiisadaas ayaa sidoo kale sababtay qeylo dhaanta badi bulshada Soomaliyeed, Siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xogheyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa Dalsan u sheegay in Sabtida berito ah ay Gudigu kulan ka yeelan doonaan xadgudubka dhulka Soomaaliya ee dowladda Kenya.

Waxa uu ku amaanay dadka ku nool degmada Balad Xaawo sida ay uga dhiidhiyeen xadgudubka dowladda Kenya,waxa uuna sheegay in dhawaan dowladda Soomaaliya wefdi u diri doonto degmada Balad Xaawo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Sadiiq Warfaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.