Home Afsomali Dhageyso Gudoomiyaha Gudiga doorashooynka dadban oo shaaciyey in doorashada dalka ka dhaceyso...

Dhageyso Gudoomiyaha Gudiga doorashooynka dadban oo shaaciyey in doorashada dalka ka dhaceyso .. iyo madaxweynaha oo khilaafay howsha ay qabanayaan

abuukaate-cumar-maxamed-cabdulle

Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Dhegey) oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Dalka oo qaar ka mid ah dadweynaha degan gudaha Dalka Kenya kula hadlayay Magaalada nairobi ayaa sheegay Gudigooda ain ay sameeyeen kormeerayaal caalami ah iyo waliba kuwo Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Dalka Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Dhegey) ayaa sheegay in Gudiga ay kormeeri doonaan sida ay u socoto Howlaha Doorashada, si Doorashada ay u noqoto mid xalaal oo sdiii loogu tala galay u dhacda.

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban ee Dalka ayaa ka shaqeynaya Hirgelinta Doorashada Bishan iyo waliba Bisha ku xigta la qorsheeyay in ay Dalka ka dhacdo.

Geesta kale Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guddiyada doorashada, iyo xallinta khilaafyada aanay wax shaqo ah ku lahayn siyaasadda, isaga oo sheegay in guddiyadaasi si hufan u gudan doonaan howlahooda shaqo.

“Guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka siyaasad shaqo kuma lahan, waxa la dhisayo oo la isku keenayo waa kii dhexe oo dadka oo dhan ka wada dhaxeeyay, qof walbo hoggaanka ugu fiican, xildhibaanka ugu fiican, ugu dal iyo dad jecel in lasoo doorto ayaan rabnaa, qof qof lahaan karo ma jirto, xildhibaan koox lahaan karto ma jirto, baarlamaanka aan soo dooraneeyno waa kii Federaalka ahaa oo dalka oo dhan ka dhaxeeyay, aan soo xulanno dad fiican una soo xulanno si nadiif ah oo yaanan gelin kala shaki, aad ayaana ugu kalsoonahay in sidaasi wax u dhici doonaan, dowladda Federaalka diyaar ayeey u tahay in wax walbo u dhacaan sida ugu muhiimsan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo shalay so xirayey shirka madasha Wadatashiga Qaran ayaa dhinaca kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin ka qaataan doorashooyin si hufan uga dhaca guud ahaan dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan mar kale ugu baaqayaa dhammaan iney u istaagaan iney fududeeyaan qabsoomidda doorashooyinka, waxaan rabaa in kalsooni buuxda ay qaadaan dadka Soomaaliyeed, ajende gaar ah oo qof, maamul ama hay’ad gaar ah oo dowladda ka tirsan ka leedahay Doorashooyinka ma jiraan oo aan ka ahayn doorasho Soomaaliyeed oo waqtigeeda iney dhacdo ah oo si daah furan u dhacda”

Sanadkaan 2016 dalka waxaa la filayaa iney ka dhacaan doorashooyinka dadban, iyadoo ay diyaar garow ballaaran loogu jiro doorashooyinkaasi.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.