Home Afsomali Dhageyso Gudoomiye Cali Gacal Casir dadka ku dhawaaqay xilka qaadisteyda Shacab ayey...

Dhageyso Gudoomiye Cali Gacal Casir dadka ku dhawaaqay xilka qaadisteyda Shacab ayey ahaayeen Xareydna Isaga ayaa horey Xilka looga qaaday

Guddoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa beeniyay warar sheegayay in xildhibaanada baarlamaanka uu guddoomiyaha u yahay ay xilka ka qaadeen isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir  ayaa ka hadlay xilka ka qaadistii ay sheegeen in ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi.

Waxaa uu sheegay in xilka aan xilliggaan laga qaadikarin Maadaama uu sheegay in uu ku jiro Xabsi guri waa sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanadii xalay ku shiray Cadaado ayuu ku eedeeyay in ay soo Abaabuleen Shacab oo Xildhibaano laga dhigay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xareed Cali Xareed uu yahay Xildhibaan ,Laakiin uusan aheyn Gudoonka Baarlamaanka Galmudug.

52 Mudane ayaa sheegay xalay in ay xilka ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Waxaa sidoo kale Xildhibaano ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmayo xilli muranka siyaasadeed ee ka taagan maamul goboleedka Galmudug uu cirka isku sii shareerayo, iyadoo fashil uu ku yimid waanwaan laga dhex waday dhinacyada isku haya siyaasadda maamulkaasi.

Arrintan ayaa timid xilli hoggaanka sare ee Galmudug uu ku kala jabay labo dhinac oo iska soo horjeeda. Waanwaan ay wadeen qaar ka mid ah siyaasiinta ka soo jeeda maamulkaasi ayaan ilaa haatan miro dhal noqon.

Magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulkani ayaa hadda waxaa ka jira xiisad ka dhalatay muranka hareeyay hoggaanka sare ee Galmudug, waxaana arrintan ay salka ku haysaa khilaafka waddamada Carbeed ee Khaliijka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.