Home Afsomali Dhageyso Hargeysa oromo Cabsanyesa oo bilaabay in ay Djabouti u qaxaan

Dhageyso Hargeysa oromo Cabsanyesa oo bilaabay in ay Djabouti u qaxaan

Todobaadkii la soo dhaafay waxaa deegaanka Haawadaay ee Bariga dalka Itoobiya waxaa lagu dilay 32 Ruux oo Soomaali ah kuwaas oo badankood ka soo jeeda deegaanada maamulka Soomaaliland waxaana taasi ay keentay casbi soo wajahday dadka Oromada u dhashay ee ku nool deegaanada Soomaliland.

Qaar ka mid ah dadka Cabsida soo wajahday oo qaarkood barakacaya ayaa waxa ay sheegn in ay badi ka cabsanayaan Shacabka Magaalada Hargeysa kadib markii sida ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaasi Guryahooda loo galay halka qaarkood Goobo Ganacsi ay lahayeen laga burburiyay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in dhibaatadii ka dhacday deegaanka Haawaaday ay iyagu saameyn ku yeelatay, waxa ayna ugu baaqeen Qowmiyada Oromada in aysan waxyeelo u geysan dadka Soomaaliyeed eek u nool Gudaha dalkaasi Itoobiya.

Dhacdadii lagu dilay in ka badan 32 Ruux ee Soomaalida ah ee ka dhacday gudaha dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sababtay in uu istaago Qaadkii ka imaan jiray dalkaasi ee la keeni jiray deegaanada Soomaalilnd, iyada oo hadda qaadka ka yimaada dalka Kenya.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Dadka u dhashay Qowmiyada Oromada.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.