Home Afsomali Dhageyso Haweeney Ciidamada Dowladu toogasho ku dileen iyo Mid kale oo Kufsi...

Dhageyso Haweeney Ciidamada Dowladu toogasho ku dileen iyo Mid kale oo Kufsi lagu dilay

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa ku eedeeyay taliyaha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolkaas uu bixiyay amar lagu dilay haweeneey dhawaan lagu soo qabtay hwlgal laga sameeyay deegaanka Muura Gaabeey ee Gobolkaasi Bakool.

Waxa uu sheegay in Gabadhaas markii ay ciidanka Gacanta ku dhigeen baaritaano dheer kadib la ogaaday in ay aheyd basaasad u shaqeyneysay Al-Shabaab,isla markaana ay aheyd in Maxkamad la soo taago laakin Malintii xigtay Gabadhaas la toogtay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in markii baadi goob lagu sameeyay Ciidamadii toogtay Gabadhaas ay sheegeen in uu amarka lagu dilay lahaa Cabdiraxmaan Maxmed Cismaan Timacade taliyaha Guutada 8,aad ee degmada Xudur.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ehelada Gabadhaas ay haatan wadaan dacwad ah in ay ogaadaan sababtii loo dilay Gabadhooda,dhacdadaana loo gudbiyay taliyaha qeybta oo jooga Baydhabo iyo taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo jooga Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga  Gudoomiyaha Gobolka Bakool

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka hadlay Haweeney Ganacsato ah oo Gelinkii Dambe ee Shalay lagu dilay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in ay soo gaartay Dilka loo geystay Xaawo Maamow Cusmaan oo aheyd Haweeney ka Ganacsata Khudaarta islamarkaana Koox Hubeysan ay ku dishay Magaalada Marka.

C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in ay hadda socoto Baaritaan dheer oo lagu raadinayo Ciddii Falkaas Dilka ah geysatay islamarkaana ay ku raadjoogaan Ciidamada Ammaanka.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixin Kooban

Previous articleVIDEO Ciidamada Xuutiyinta Yeman Oo Tooganaya Dadka Sunige Saldi Ciida Tukanayay
Next articleVIDEO FAYSAL CALI WARAABE OO SHEEGAY INUU DALKA KA TAGAYO HADII CIRRO GUULAYSTO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.