Home Afsomali Dhageyso haweeney Dhagax lagu dilay Jubbada Dhexe

Dhageyso haweeney Dhagax lagu dilay Jubbada Dhexe

maxkamada Alshabaab oo xukun in dhagax lagu dilo ah ku fulisay haweeney  horey u dhashay 10 caruur ah

shabaab ayaa galabta fagaare ku yaalla degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay xukun dhagax dil ah kula fuliyeen Haweeney ay ku eedeeyeen in ay ku kacday fal galmo ah.

Maxkamadda Shabaab ee Jubbooyinka oo xukunkan fulisay ayaa waxa ay sheegtay in Maxkamadda uu u soo dacwooday Cali Ibraahim Cali oo ay sheegeen in uu qabay Haweeneyda la dilay, taasi oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali Isxaaq.

“Xabiibo ayaa iyadoo xaas ah oo la qabo horey u dhashayna 10 caruur ah waxay guursatay Nin kale sidaas ayayna ku mutaysatay in dhagax lagula dilo fagaare ku yaal magaalada Saakoow ee Jubbada Dhexe, Waxaa sidaas lagu yiri goob fagaare ah oo uu khudbad ka jeediyey qaaliga xukunka riday .

Xabiibo oo uu qabay Cali Ibraahim, una dhashay 10 caruur ah, ayaa seygeeda u sheegtay in ay safar qaraaba salaan ah u aadayso magaalada Muqdisho balse waxay u safartay degaan hoos yimaada degmada Saakoow, halkaas oo ay ku guursatay nin kale, sida ay sheegtay Maxkamadda Shabaabka.

Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacayay.

Xukunada noocaan oo kale ah ayeey Shabaab ka fuliyaan Gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalooyinka ay joogaan iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinaayo inuu sameeyay qiraal.

Dhageyso  Xukun dhagax

 

 

Dhanka youtubka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.