Home Afsomali Dhageyso Heyadda gargaarka Hormud foundation oo gudiga abaaraha iyo wasaarada arimaha gudaha...

Dhageyso Heyadda gargaarka Hormud foundation oo gudiga abaaraha iyo wasaarada arimaha gudaha ku wareejisy cuntooyin kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )

Isgaarsiinta Hormuud qeybteeda gargaarka Bulshada ee Hormuud Foundation ayaa raashiin gargaar ah ugu deeqday boqolaal qoys oo ka soo barakacay abaaraha ka jira gobolada dalka kuwaasoo haatan degan xero looga sameeyey duleedyada magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha heyadda Hormuud Foundation Mr. Cabdullaahi Osman Nuur ayaa gaadiid ay ku raran yihiin qeybaha kala duwan ee raashinka daruuriga ah ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha Qaranka iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xakuumada Somalia.

Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa sheegay in deeqdan ay shirkaddu ugu talo gashay barakacayaasha ku sugan gobolka Banaadir ee ka soo hayaamay abaaraha ka jira gobolada dalka ayna ka kooban tahay 6 Container oo Timir ah, taasoo ka kooban 90,000 Kg (Sagaashan kun oo kiilo) 600 kiish oo bariis ah (Lix boqol kiish oo bariis ah) IYO 2,700 Litr oo Saliid ah.

Gudoomiyaha Hormuud Foundation ayaa faahfaahiyey ujeedada Shirka iyo agabka ay bixisay wuxuuna intaa ku darey inay shirkaddu ay ka howlgasho 11 gobol oo ka mid ah gobolada ay abaaruhu sameeyeen ayna ka qeybisay gargaar kala duwan

Shir jaraid oo ay si wada jir ah u qabteen Gudoomiyaha Hay.ada Hormud foundation Cabduqaahi Cusman Nuur  ,gudoomiyha gudiga abaaraha heer qaran Sheikh Nuur Baaruud Gurxan Gudoomiyaha Heyada Culumada soomaaliyeed Shekh Bashiir Axmd Salaad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha yaxye Cali Hareeri  iyo Masuuliyiin kale ayey warbaahinta uga warbixiyeen xaalada guud ee dalka iyo Goobaha Gurmadka la geeyey

Gudoomiya hormud foundation ayaa faafaahiyey ujeedka Shirka iyo agabaka ay bixisay wuxuuna inta ku darey in ay shirkadu ka howlgasho 11 gobola Toban ka mid ahna ay gargar kala duwan ka qeybisay

War qoraal ah oo ay soo saartay hormud foundation ayaa sidaan u qoraa

DEEQ AAN UGU TALO GALANAY DADKA KUSOO BARAKAY GOBOLKA BANAADIR.

14/03/2017.

Hormuud Telecom Foundation, waxaa aay maanta ku wareejineeysaa gudiga qaran ee abaaraha deeq raashin oo ka kooban sidaan hoos ku qoran.

  1. 6 Container oo Timir ah, taasoo ka kooban 90,000 Kg ( Sagaashan kun oo kiilo ).
  2. 600 kiish oo bariis ah ( Lix boqol kiish oo bariis ah)
  3. 2,700 Litr oo saliid ah ( two thousand seven hundred litr oo saliid ah).

Deeqdan waxaan ugu talo galnay inaan ku caawino dadka kasoo baakacay gobolada aay abaarta saameeysey kuna soo barakacay Gobolka Banaadir, insha allah ma noqon doonta markii ugu danbeeysey oo aan  kaalmeyno dadkaan aay abaarta saameeysey.

Sida aad la wada socotaan HTF, waxaa aay gargaar gaarsiisey, 10 Gobol oo aanu ku jirin gobolkaan Banaadir, waxaan aay gargaarka ka qeybisey 42 xarumod oo aay shirkadu ku leedahay 10 gobolk ee aan soo sheegey , waxaana gaarsiiney, cunto, biyo iyo dawooyin .

Culeyska aay keentey abaartaan waa culeys runtii u baahan inuu helo gurmad ka ballaaran midka aan wadno, ilaa iyo hadana gurmadka gaaraya dadkaan aay abaaraha saameeyen waa mid aad iyo aad gaabis u ah, waxaana ugu baaqeeynaa dhammaan ummadda Soomaliyeed ineey u istaagaan sidii aay gargaar ugu fidin lahaayeen dadka walaalahood ah ee aay abaarta saameeysey.

Runtii waa arin looga argagaxo xaalada aay ku sugan yihiin in badan oo ka mid ah bulshadeena Soomaaliyeed kuwaasoo ku nool duruuf aad iyo aad u adag, mana ahan arin la fiirsan karo duruuftaa aay ku sugan yihiin, ee fadlan ummadda Soomaliyeed waa inaan dedaalka sii balaarinaa si aan gacan uga geeysano inaan caawino dadkeena.

Waxaad moodaa in marar badan lagu soo cel celinayo aduunyada gar gaar hanal soo gaarto, hase ahaatee gargaarka ugu fiican cida bixin kartaa waa allah, ee aan barino, anagana aan bixino wax alle wixii aan awoodi karno intii aay doonaan hala ekaadaanee.

Allah waxaan ka baryayaa inuu naga dul qaado culeyska iyo xanuunka aay la timid abaarta nooguna bedelo raxmad iyo naxariistiisa.

 

                   


dhamaad 

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.