Home Afsomali Dhageyso indhaqarshe kuwa Isbaarada Dhigtay Ciidan maaha waxaana jirta Maamul Xumo iyo...

Dhageyso indhaqarshe kuwa Isbaarada Dhigtay Ciidan maaha waxaana jirta Maamul Xumo iyo kuwo hor leh oo la dhigaty

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Daahir aadan Cilmi Indho Qarshe oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay gaadiidka faraha badan ee maalman ku xayirnaa  Deegaanada ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Indha Qarshe ayaa waxaa uu walaac ka mujiyay ciidanka ku labisan dareeska Dowlada oo gaadiidka ku dhibaateeyo Deegaanada Gobalka Shbaeelaha Hoose, isagoona sheegay in arintaasi aan loo dul qaadan Karin.

Taliyaha ayaa waxaa uu  Hogaanka Saadka ku eedeeyay in maamul xumo ay ka jirto sida uu hadalka u dhigay.

Gobalka shabeelaha hoose  waxaa ku soo batay isbarooyinka ay dhiganayaan maleeshiyaadka iyo qaar ka tirsan ciidamada dowlada,  kuwaasi  oo dhibaato ku haya dadka shacabka ah ee  ku safra wada xiriirisa Degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyne ee Gobalka Shabeelaha  Hoose.

dhanka kale Maxamed Ibraahim Barre Gudoomiyaha Gobolka Sh Hoose ee Maamulaka Koonfur Galbeed ee Somaaliya ayaa sheegay in Maamulaka G Sh Hoose uu ku guuleystay qaadista isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn ee Gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Sh Hoose ayaa tilmaamay in isbaarooyinkaasi  ay xanibeen isku socodkii gadiidka gobolkaasi isagoona tilmaamay in lagu guuleystay in la sii daayo gadiid ku xayirnaa Dulleedka Degmada Afgooye ee Gobolkaasi.

Gudoomiye Maxamed ibraahim ayaa ugu danbeyntii sheegay in xubno ka tiran Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay la gaashadeen qaadista isbaarooyin la soo dhigay Deegaano aka tirsan Gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.