Home Afsomali Dhageyso Isgaadgaad u dhaxeyo Somali iyo oromo oo ka socda Magaalooyin ay...

Dhageyso Isgaadgaad u dhaxeyo Somali iyo oromo oo ka socda Magaalooyin ay isla degaan qowmiyadahaan la Gumeysto iyo dad ay isaga dileen aano Qabiil

Wararka ka imaanaya Degmada Ma’ayso ee Gobolka Sitti ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal uu dhex maray Qoomiyada Soomaalida iyo Qoomiyada Oromada.

Dagaalka oo dhacay Axadii iyo Talaadadii shalay, ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 14 qof, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.

wararka laga helaayo gudaha dalka itoobiya ayaa sheegaya in xataa xafiisyo dowladu leedahay iyo gawaari la gubay  intii ay socdeen dagaaladan u dhexeeya oromada iyo soomaalida.

Dagaal dhex maray Soomaalida Itoobiya iyo Oromada & xiisad ka taagan Bariga Itoobiya  

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in ka badan lix boqolna way ku barakaceen
dibadbaxyo cusub oo ka bilowday Bariga Itoobiya.

Tiro kale oo dad ah ayaa la dhaawacay, halka dhismooyin dowladdu leedahay iyo
gawaari la burburiyay inta ay rabshaduhu socdeen.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dhacyadaasi ku micneysay muran ka dhashay xadka u
dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo
ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan
dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka.

Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen
toddobaadkan.

waxaala sheegayaa in aano qabiil dad loogu dilay Magaalada hargeysa halka somali kalana lagu dilay ka gadaal xaduud beenaadka xili laba qowmiyadoodba yihiin kuwa la gumeysto arintaana iyaga lagu mashquulinaayo

Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala
kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in
ciidamo milatariga ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada ay
isku dhacyadu saameeyeen.

Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood
saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo
horjeedo dowladda dalkaasi

Dhageyso Gudoomiyaha maamulka degmada Ma’ayso, ee Soomaalida,Xaaji Ismaaciil Cabdillaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.