Home Afsomali Dhageyso Khadiijo Maxamed Diiriye magacii Jiryow Kheyre iyo farmaajo Ceynaanka...

Dhageyso Khadiijo Maxamed Diiriye magacii Jiryow Kheyre iyo farmaajo Ceynaanka haaya Mucaaradku wuxuu ku maaleysayanayaa nairobi iyo dubai

War Weyn waaye  xukuumadu waxay tiri  tiri wasiiradu raga Mooshinka madaxweynaha ka wadaa waan naqaana oo Dubia iyo nairobi beey kala joogaan waanan sheegi karnaa magacyadooda hadaan rabno

Iyadoo maalmihii dambe la hadal haayay mooshin la sheegay in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay abaabulayeen kaasi oo ujeedkiisu yahay in xilka loogu qaado Madaxweyne Madaxweyne C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa mooshinkaasi ka hadashay Wasiirada dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Waxa ay sheegtay in mooshinkaasi uu yahay mid lagu qal qal gelinayo madaxweynaha.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in mooshinkaan ay wadaan dad dano gaar ah leh oo doonaya iney sameeyeen sidii lagu sameyn jiray madaxdii hore balse waxa ay tilmaamtay in madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha ay isku duuban yihiin.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay jiraan Mucaaradyo weli doonaya in ay dumiyaan kuwaas oo ku sugan Nairobi iyo Imaaraadka Carabta.

Waxa ay sheegtay in kuwa badan oo mucaarad ah ay lacago ku soo qaataan sidii dowladda loo dumin lahaa isla markaana horay u hagar daameyn jiray dowladihii dalka soo maray,iyada oo tusaalo u soo qaadatay in iyada horay dhowr mar lagu yiri is casilay.

Dhan kale waxa ay ka hadashay mooshin maalmahan guuxiisu uu socday oo la shegay in laka keenayo Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna sheegtay in madaxda dowldda ay yihiin kuwo is raacsan isla markaana aysan jrin cid sikudayi krta in ay rido.

Wasiir Kahdiija ayaa hadalkaan waxa ay ka sheegtay Munaasabad lagu soo bandhigayay Waxqabadka xukuumadda oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in marka Madaxweynaha uu rabo inuu bedelo Ra’iisul Wasaare in Wasiiradii xilligaas jooga in la dhihi jiray is casila, si aad berri u soo noqotaan, balse maanta Madaxda jooga aanay sidaas dhaheyn.

Waxaa ay kaloo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre laga waayay da aan aheyn nabad iyo nolol, danta iyo dalka, isla markaana ay is diideen wixii la bartay iyo waxa lala yimid, isla markaana ay iyagana ku daba feylsan yihiin Madaxdooda,

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa weerar toos ku qaaday shaqsiyaad ay sheegtay inay lacago dowlado kale ka soo qaaday oo raba inay mooshin ka keenaan Madaxweynaha oo ay kor ka soo bilaabaan, si wixii oo dhan loo dumiyo.

“Dad ayaa raba inay mooshinka keenaan oo ay dhahaan kor ayaa ka soo bilaabeynaa Madaxweynaha ayaa aadeynaa, Meyd macal jameeca yaa raxma, tan tii ma ahan, dad baa raadinaya wixii ay raadin jireen, kuwii shalay maa maanta raba inay xukunka qabtaan, waa ognahay meesha ay joogaan Imaaraadka iyo Nairobi, haddaan rabo magacyadooda waa sheegi karaa hebel iyo hebel, Cadkaanu ku cuni ama ku ciideey waa soo dhamaatay ”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqday Xildhibaanada abaabulaya mooshinka iney joojiyaan oo ay ka shaqeeyaan hormarinta dalka.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Khadiijo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.