Home Afsomali Dhageyso Khilaaf hareeyey Magcaabista Golaha Wasiirada maamulka Hirshabele” Gudoomiye Cismaan Bare...

Dhageyso Khilaaf hareeyey Magcaabista Golaha Wasiirada maamulka Hirshabele” Gudoomiye Cismaan Bare iyo Cali Guudlaawe oo taako ku Noqday Waare

Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle waxaa ka socdo kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Magacaabista Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabeelle.

Magacaabista Golaha Wasiiradda ayaa waxaa ka taagan Khilaaf u dhaxeeya Xildhibaanada iyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa doonaya in ay ka mid noqdaan Wasiiradda cusub ee lasoo Magacaabayo.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay in uu soo bandhigay Liiska Golo Wasiiro oo u badan qurbajoog, islamarkaana ay arintaasi uu ka horyimid Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa doonaya in lasoo celiyo Wasiiradda Hore.

Wariyeyaasha ku sugan Jowhar ayaa soo sheegaya in khilaaf uu ka taagan yahay  Magacaabista Golaha Wasiirradda Hirshabeelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa wadda dadaallo lagu daminaayo Xiisadda ka dhalatay Magacaabista Golaha Wasiirradda Hirshabeelle.

 

 

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.