Home Afsomali Dhageyso Ku simaha Safiirka Mareykanka oo sheegay in ay dalka Geeyeen agab...

Dhageyso Ku simaha Safiirka Mareykanka oo sheegay in ay dalka Geeyeen agab caafimaad oo ku kacaya duun lacageed oo gaaraya 100.000 kun doolar

ku simaha safiirka maraykanka  ee soomaaliya  ahna safiirka ku xigeenka Martin Daleayaa ka hadlay inta ay ka koobantahay deeqda ay maanta   soo gaarsiiyeen  soomaaliya taasi oo uu sheegay inay ku kacay 100.000 oo Doler.

Diyaarad Nooca milatariga ah oo Wada  Dawo islamarkaa ay saarnaayeen Kalkaaliyayaal caafimaad oo udhashay Dalka maraykanka ayaa  soo Gaartay muqdisho  waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay  Masuulyiin ka tirsan Dawladda soomaaliya waxaana kalmadaan  ay qayb ka tahay  taageerada Dawlada iyo sida xanuunka ula wadaagayo dadkii ku dhinatay iyo ku wii ku dhaawacmay qaraxii 14kii bishaan ka dhacay isgooyska soobe .

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Garoonka diyaaradaha Diyaaradan ayaa waxaa laga dejiyay dhowr Tan oo Daawo loogu tala galay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Caalamka ayaa garab istaag iyo taageero u muujiyay Soomaaliya, kaddib musiibadii boqolaalka qof ay ku dhinteen 14-kii bishan, xilligaasoo baabuur weyn oo waxyaabaha qarxa saarnaa uu isku qarxiyay Isgoyska Zoobe oo aheyd meel aad u mashquul badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.