Home Afsomali Dhageyso maamulka Afgooye oo qirey in ay dagmadu ay dhinac ka maamulaan

Dhageyso maamulka Afgooye oo qirey in ay dagmadu ay dhinac ka maamulaan

Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ragii shalay degmada afgooye ku dilay Macalin Abuukar Qaasim ay u baxsadeen qeyb ka mid ah degmada Afgooye.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal Nuunoow oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Shabaabka mararka qaar dilalka ka fuliya Afgooye ay u baxsadaan dhanka Xaafada Galawar oo ay Al-Shabaab maamulaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xaafadaas aysan ku sugneyn ciidamo ka tirsan dowladda taas oo shahasha in ay Al-Shabaab maamulaan sida uu hadalka u dhigay.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa marwalba waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyada oo maamulku uusan ku guuleysan in ay qabtaan dadka ka dambeeya dilalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Saldhigga Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.