Home Afsomali Dhageyso:- Maamulka degmada Wadajir oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Dhageyso:- Maamulka degmada Wadajir oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa xalay uu ka dhacay Xaafada Ceelqalaw oo katirsan degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in qaraxa oo ahaa miino la dhigay Gooob ay ku  sugnaayeen dad u badan Dhalinyaro , kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.

Guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Maxamed Dalxiis ayaa Risaala u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 7 Ruux oo Shacab ah 5 kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana haatan ay baaritaano wadaan.

Wuxuu sheegay in dadka Shacabka ah, iyaga oo aan waxba galabsan dhibaato loo geystay, isaga oo ugu baaqay Shacabka inay Ciidamada Ammaanka kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Qaraxan xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay amniga Magaalada muqdisho uu ahaa mid wanaagsan, isla markaana laamaha Ammaanka ay sameeynayeen howlgallo kala duwan.

Audio Player

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.