Home Afsomali Dhageyso maamulka Hirshabelle oo wax ka qaban waayey Isbaarooyinka Tedsan Xa,ar ilaa...

Dhageyso maamulka Hirshabelle oo wax ka qaban waayey Isbaarooyinka Tedsan Xa,ar ilaa |Baladweyne iyo fariin dabacsan oo loo diray farmaajo

Kulan ay  Muqdisho ku yeesheen Muqdisho Iskaashatada Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka soo saareen baaq cabasho ah oo ku aadan in Isbaarooyin horleh la soo dhigay degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Kulanka kadib mid ka mid ah Gaadiidleyda kulmay oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Isbraooyin la soo dhogay inta u dhaxeysa Magaalada Baladweyne ilaa Muqdisho.

Waxa uu shegay in Isbaarooyinkaas oo ay dhigteen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse aan u gudbinay Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle oo deegaanadaas maamula balse aan waxba ka qaban.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii lacagta lag doonayo ay bixin waayaan ciidamadaas ay ku amrayan in ay Gaadiidka dhigaan taasna ay dhibaayo ku tahay.

Ugu dambeyn Waxa uu ku baaqay in arrintaas wax laga qabto,maadaama Shaqadooda ay hakad geleyso.

Hoos Ka Dhageyso Codka Mid ka mid ah Gaadiidleyda.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.