Nabadoon Badal Jaamac Xirsi oo ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed oo la hadlay Danan ayaa sheegay in uu ka xun yahay in Madaxda Maamul Goboleda Dalka jira in loogu yeero Wadamada Calaamka oo lagu yiraahdo waxaas Cambareeya,ayna ka shaqeyaan in Wadanka ay kala go goyaan,Waxa uuna tilmaamay in loo bahan yahay in Dowlada Federaalka ay Talaabo cad ay ka qado arintas,Nabadoonka ayaa hadalkisa inta ku daray in wax Wanaagsan aysan aheyn in Wadamo Shisheeye in lacag laga soo qaato Wadanka lagu Bur buriyo.
Dhanka kale Nabadoon Badal ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Madaxda Maamul Goboledyada Dalka ka jira ay yihiin qaaimiin Wadanka qiyaanay,islamarkaana Madax badan oo ka tirsan Maamul Goboledyada Dalka ay dhul badan ay gateen.
Nabadoonka ayaa ugu dambeyntii sheegay in waxaas oo dhan ee Dalka ka dhacaya uu ka dambeeyo Cumar Cabdi Rashiid sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaate hadalka Nabadoon Badal Jaamac Xirsi ayaa waxa uu Imaanaya Xili Maalintii Shalay Go,aan ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ku shegeen in ay arinta Wadamada Khaliijka ka jirta ay Dowlada Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay.
Hoos ka Dhageyso
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0