Home Afsomali Dhageyso:- Madaxweynaha Oo ka hadlay shirka IGAD iyo wadooyinka xiran Ee Muqidisho.

Dhageyso:- Madaxweynaha Oo ka hadlay shirka IGAD iyo wadooyinka xiran Ee Muqidisho.

Xasan Sheikh M

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sh, Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa uga waramay xernaanshaha wadooyinka muhiimka ah ee dhex mara Magalaada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa arrinkaasi ku sifeeyey mid lagu xaqiijinayo amniga Madaxda ka qeyb galleysa Shir Madaxeedka Wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD Oo muqdisho lagu qaban doono.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan ayaa hormar ay Soomaaliya ku tilaabsatay ku micneeyey in shirka Madaxeedka IGAD lagu qabto Muqdisho iyadoo horey ay Magaalada u marti galisay Shirkii wasiirada arrimaha dibada Ee Igad. wuxuuna shacabka reer muqdisho oo maalmihii Ciida ay ku soo wajahan yihiin ka dalbaday in ay dulqaad badan muujiyaan.

Sidoo kale madaxweynaha wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey shirka madasha qaran ee isna muqdisho ka socdo oo sheegay in ay go’aamo wax ku ool ah ay ka soo bixi doonaan.

Madaxweyne Xasan ma uusan soo hadal qaadin jiritaanka wararka sheegaya in Madaxweynaha Suudaan Cumar xasan Al Bashir uusan ka qeyb galeyn Shirka Muqdisho ka furmaya.

Shir Madaxeedka Wadamada xubnaha ka ah ururu goboleedka IGAD ayaa magaalada muqdisho la filayey in uu ka furmi doono 10bishan oo maanta ku beegan in kastoo uu dib uga dhacay.

waxaase la qorsheynayaa inuu 13ka isla bishaan uu ka furmo muqdisho in kastoo aysan dowladda si rasmi ah u shaacin xiliga uu furmayo..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.