Home Afsomali Dhageyso Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan Mucaradku ha Noqdaano kuwo Dowlada Waxka dhisa...

Dhageyso Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan Mucaradku ha Noqdaano kuwo Dowlada Waxka dhisa ee yeysan Noqon Mumiyeyaaal Qarsoon

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo si wadajir  horumarinta dalka .

Waxaa uu sheegay in dadka Mucaaradka ah looga baahan yahay in ay soo bandhiggaan qaladaadka dowladda oo kaliya, islamarkaana aan loo baaheyn Mucaarad wax duminaaya.

Cabdiqaasim ayaa sidoo kale tilmaamay in aa maanta loo baahneyn Mucaarad doonaya in ay dowladda riddaan.

Waxaa uu sidoo kale xusay in laga shaqeeyo Midnimada Soomaaliya in ay keeni karto sare u qaadida Horumarinta iyo meesha hadda la jooggo in laga hormaro.

Wuxuu Dr C/qaasim Salaad Xasan u ugu baaqay waxa uu ugu yeeray Siyaasiinta Mucaaradka ah in ay la yimaadaan aragti wax dhisaysa oo ay saxaan dowladda hadii qaladaad ay jiraan,balse aan loo baahnayn mucaarad ka shaqeeyan aragti Dal burburin iyo dowlada diidnimo ah mar uu lahadlayay Saxaafada

“Faa’idada aan helnay laga soo bilaabo dowladihii KMG ahaa ayaa kamid ah in dalka uu aqoonsi buuxa uu heley burburkii kadib,in calankii Soomaaliyeed laga taagay xarunta Qm iyo guud ahaan wadamada Caalamka,haatana waxaan rajaynayaa in Dalka iyo Dadkuba ay degaan,wadankasta oo burbur uu soo maray muddo ayay qaadataa in dib uu u soo kabmo,balse waxaa loo baahan yahay in qabyaalada meel la iska dhigo,oo laga shaqeeyo qaranimada Soomaaliyeed dib u soo celinteeda,taasina rajo weyn ayaan ka qabnaa”, Ayuu yir Dr C/qaasim.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq uu u jeediyay guud ahan shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu yeeray in ay garab istaagan Dowladda si dowladdu ay cageheeda isku taagto,taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay wadada keliya lagu heli karo dowladnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.