Home Afsomali Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay shacabka fariin u direy in...

Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay shacabka fariin u direy in ay guryahooda dib ugu laabtaana faray

Madaxweyne Farmaajo oo fariin udiray shacabka isugu soo baxday taageeradiisa

Madaxweynaha cusub ee la doortay Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa la hadlay shacabka Soomaaliyeed ee banaanbaxyada lagu taageerayo dhigaymagaalooyinka dalka iyo wadamada caalamla kuwa ay joogaa.

Dadweyne gaaraya boqolaal iyo kumanaan ayaa saaka mar kale isugu soo baxay wadooyinka magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.

Waxaa dibed-baxyadan ay daba socdaan dabaaldegyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu taageerayey doorashadii Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shacab yaacaya oo dhalinyaro u badan ayaa mar kale u soo baxay saaka jidadka magaalada, iyadoo dibed-baxa ugu weyn uu ka socdo barxada taalada Daljirka dahsoon oo ay isugu tageen dad aad u fara badan oo dabaaldegaya.

Dadka isu soo baxay ayaa ku qeylinaya ereyo ay ku taagerayaan Farmaajo, waxaana sidoo kale la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay ridayaan ciidamada dowlada taasoo qeyb ka ah dabaaldega soconaya.

Wadooyinka Muqdisho oo xirnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay, saakana dib loo furay ayey gaadiidku ku adkaatay iney isticmaalaan jidadka qaar, dadka isu soo baxay awgeed, waxaana magaalada ka jira xaalad kacsan, Buuq iyo sawaxan fara badan.

Dhinaca kale gobolada dalka qaarkood ayaa iyana waxaa laga soo sheegaya iney ka socdaan banaanbaxyo kuwaan la mid ah, waxaana ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolada Gedo, Galgaduud, Mudug, Hiiraan, Sh/dhexe iyo meelo kale.

Shacabka Soomaalida ee ku dhaqan gudaha iyo dibeda ayaa si kal iyo lab ah u soo dhoweeyey doorashada madaxweynaha Cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo oo noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee taageero noocan ah lagu soo dhoweeyo.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.