Home Afsomali Dhageyso Madaxweyne Farmaajo qabiil qaran ayaan ka doorbidnay

Dhageyso Madaxweyne Farmaajo qabiil qaran ayaan ka doorbidnay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan baraalan waxa uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo Ganacsatada ku Ganacsata xaafada Islii ee Magalada Nairobi.

Khudbadii Madaxweynaha uu u jeediyay Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku saleysned sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Hormarada kala duwan ee dalka ka socda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday hanaanka loo maray soo xulista Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Talaadadii ina dhaaftay R/wasaare Xasan Cali Khayre uu kaga dhawaaqay Muqdisho.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Golaha Wasiirada in aan lagu soo xulin hanaan Qabiil, balse lagu soo xulay Aqoon iyo Karti, sidoo kalena Golaha Wasiirada aysan ma telin Qabiil.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ganacsatada u sheegay Deeqaha kala duwan ee ay ugu talagaleen in ay ku caawiyaan walaalahooda dhibaateysan in loo bixin doono si cadaalad ah.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay kulan xalay uu Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo Ganacsatada ku Ganacsata xaafada Islii ee Magalada Nairobi

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.