Home Afsomali Dhageyso Magacyada 4 Alshabab toogasho ku fuliyeen Fagaare ku yaal magaalada Bu’aale

Dhageyso Magacyada 4 Alshabab toogasho ku fuliyeen Fagaare ku yaal magaalada Bu’aale

Wararka ayaa sheegaya in  Magaalada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab Maanta halkaasi ay Xukun toogasho ah ku fuliyeen Afar Nin oo laga kala keenay qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka.

Fagaare ku yaalla Degmadaas ayay Al-Shabaab isugu keeneen Shacabka Magaalada iyo Afarta Nin oo ay ku eedeeyeen in ay la Shaqeynayeen Ciidamada Itoobiya iyaga oo isla Goobta ku toogtay.

Xukunkaan ayaa ka dhacay fagaaraha weyn oo ku yaala magaalada Bu,aale ee Jubbooyinka.

Fagaaraha Xadkan uu ka dhacay waxaa soo xaadiray qeybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada iyo deegaanada hoostaga.

Eedeysanayaasha  lagu toogtay goobta fagaaraha oo ah Illaa iyo Afar ruux ayaa lagu kala magacaabaa.

War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in Afartan Nin ay qirteen dembiga lagu soo oogay kuwaas oo Magacyadooda kala ahaa.

1: Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas

2:  Cumar Cadar Cumar 

3: Maxamed Aba Mayoow

4: Mustaf Macalim Xasan

1-Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas Wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Itoobiya mushaarkiisu wuxuu ahaa $200, wuxuu sheegay in Itoobiyaanka uqaabilsanaa aruurinta macluumaadka iyo sahanka.

2-Cumar Cadar Cumar oo ahaa 25 sana jir wuxuu u shaqeynayay PS-ta dowladda Federaalka wuxuu kusoo tababartay Suudaan isagoo qeyb ka noqday ciidamadii loogu magac daray ‘Nabad Ku Afura’ ee muqdisho ka dhisnaa, Cabdi Risaaq Alshabaab ayaa gacanta ku dhigay isagoo gaari shacab ah saarnaa kunasii jeeday magaalada Kismaayo.

3-Max’med Aba Mayoow wuxuu u basaasayay dowladda Federaalka wuxuuna ku biiray xilligii Cabdullaahi Yuusuf waxaa loo diray in uu xog ka keeno xeryaha tababarada ‘Mujaahidiinta’ balse waa laqabtay isaga oo aan waxba qaban.

4-Mustaf Macalim Xasan wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Itoobiya wuxuu ciidamada Itoobiya ku hoggaamiyay Tuulada Caliyoow Dooyow ee duleedka degmada Buurhakaba halkaas oo ay dad shacab ah ku dileen.

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale tiro ka dhowr jeer waxa ay fal toogasho ah ku fuliyeen dad isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo ay ku eedeeyaan in ay xiriir leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer Goobaha ay Maamulaan ku dilay Dad ay ku Eedeeyeen in ay la shaqeyaan Sirdoonka Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha Reer Galbeedka,waxaana ay Shabaabku Tilmaamaan in dadka ay dilaan ay Qirtaan Dambiyada lagu soo oogay.
Todobaad ka hor ayaa Al-shabaab Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe waxey ku dileen Haweeney ka mid aheyd Dadka Magaalada islamarkaana dhashay Siddeed carruur ah oo ay ku Eedeeyeen in ay Nin kale Guursaday .

 

dhanka youtube a  ttps://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.