Home Afsomali Dhageyso Magacyada Al-Shabaab Oo Afar Ruux Toogasho Ku Fuliyay

Dhageyso Magacyada Al-Shabaab Oo Afar Ruux Toogasho Ku Fuliyay

Al-shabaab fagaaro ku yaalla degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose wax ay dil toogasho ku fuliyeen Afar ruux oo ay ku eedeeyeen dembiyo kala duwan.

Afartaan Ruux ayaa Al-shabaab waxa ay ku eedeeyeen in ay ukala shaqeeynayeen Sirdoono Caalami ah iyo kuwo Maxali ah,waxaana goobta dilka toogashada ah ka dhaceysay la isugu keenay boqolaal kamid ah shacabka Degmada Kamsuuma,isla markaana daawanayay qaabka uu u dhacay dilkaas.

Hoos Akhriso Magacyada 4 ruux oo ay Al-shabaab toogteen.

Aweys ismaaciil Aadan oo 25-sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sana jir ahaa wuxuu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi iyoĀ  Baladweyne.

Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sana jir ahaa wuxuu la shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka ee PS-ta loo yaqaan.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose ugu toogteen dad ay ku eedeeyeen a ShaqeyntaĀ  Dowladda, Ciidamada AMISOM iyo hayā€™addo Caalami ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.