Home Afsomali Dhageyso Magacyada Alshabaab oo 5 Qof ku toogtay Gobolka Sh/hoose iyo saraalkiil...

Dhageyso Magacyada Alshabaab oo 5 Qof ku toogtay Gobolka Sh/hoose iyo saraalkiil Kenyaan oo ay Ceelwqaaq ku dileen

Maxkamada Al Shabaab ayaa markale dil wadareed ku fulisay Kooxo ay sheegtay in ay Jawaasiis u Ahaayeen  dowlado ay kamid yihiin Kenya iyo Ethiopia isla marakaana  isku dhax qarinayey  shacabka Soomaaliyeed.

Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaallo degaanka Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha hoose waxa ay ku toogteen Shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen  jawaasiis sida Shabaabka ay sheegeen.

Ragga Shabaabka ay dileen ayaa waxa ay ku kala eedeeyeen inay la shaqeynayeen, Dowladda Somaliya, Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada Kenya ee dalka ku sugan.

waxaana dilka alshabaab ku fuliyeen Fagaara weyn oo ka tirsan Shabeelada hoose oo lagu dilay Shan ruux oo la shaqeynayey sida ay sheegeen  sirdoonada dowladaha Ethiopia, iyo Dowlada  Kenya iyo dowlada fadaraalka ee Somalia.

Qaadiga Maxkamada Islaamiga  ah ayaa goobta fagaaraha ka aqriyay Xukunka dilka  ah ee lagu xukumay Shanta kuwaasi oo goobta fagaaraha lagu toogtay.

Magacyada Shanta Jawaasiista ayaa kala ahaa .

1-Cabdi Qaadir Cumar Xasan Oo Da’diisu tahay 23 Jir Lana Shaqeynayay Maamulka dowladda Federaalka ugu magacaaban degmada Qoryooley.

2-Cabdi Qaadir Shukri Xasan Oo Da’diisu Tahay 30 Jir  wuxuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka

3-Muxamed Abshir Cali Oo Da’diisu Tahay 35 Jir  wuxuu la shaqeynayay Taliska Ciidamada  Xabashida Itoobiya Ee duullaanka Ku Jooga Qeybo Ka Mid Ah Gobalada Baay iyo Bakool.

4-Cali Axmed Sheekh Cali Oo Da’diisu Tahay 30 Jir  wuxuu la Shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka

5-Cali Yuusuf Axmed Oo Loo Yaqaano Jacfar Dheere Oo Da’diisu aheyd 36 Jir  wuxuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.

Hoos ka dhageyso Xukunka iyo Magacyada 

 

Dhanka kale Al-shabaab ayaa Dilay Shan sargaal oo ka tirsan Booliiska Kenya waxayna gubeen Gaari ay Booliisku lahaayeen, kadib weerar ay ku qaadeen Magaaladda Ceel-waaq ee xuduudda ku taalla.

“Waxaa weeynay Shan Sargaal oo Booliis ah kadib weerar na qabsaday Xilli aan gaaf-wareegeeynay Wadada Katulu ee ceel waaq, Ciidamo gurmad ahaa ayaa sidoo kale laweeraray waxaana la gubay gaari xamuul ah oo ay wateen” ayuu yiri Gudoomiye ku xigenka Mandera Daniel Bundotich oo Warbaahinta Maxaliga ah la hadlay.

Wakaaladda Anadolu oo soo xiganeeysa Dadka Deegaanka ayaa Baahisay in Maleshiyaad ka Weerarka qaaday ay silama Filaan ah u Weerareen Cidamo Howlgal ku jiray oo aan qabin Tuhun Weerar.

Weeraradda Al-shabaab ay Kenya ka geeystaan waxaa ay sababeen in ay lamamnuuca Gaadiidka rakaabka ah ee Habeenkii ku Socdaala gobolka Woqooyi bari kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.