Home Afsomali Dhageyso Magacyada dilka ay ku fulisay iyo Xukunka Maxkamdaa Alshabaab Sida uu...

Dhageyso Magacyada dilka ay ku fulisay iyo Xukunka Maxkamdaa Alshabaab Sida uu u dhacay Fagaare ku yaal Jubbaland

Maxkamadda Al Shabaab ee ku taalla degmada Saakow ayaa gelinkii dambe ee maanta xukun dil ah ku fulisay Shan nin oo lagu eedeeyay in ay basaasiin ahaayeen.

Dadweyne la isugu keenay fagaare ku yaalla degmada Saakow ayaa daawanayay qisaasta lagu fuliyay raggan oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonada Kenya iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in raggaan ay qirteen falka lagu soo edeeyay, islamarkaana xukunkooda uu noqday dil.

Saraakiisha Al Shabaab ee goobta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in sidan loo tooganayo qof walba oo basaas u noqda hay’adaha sirdoonka reer galbeedka.

Xubnaha la toogtay ayaa Shabaab waxa ay magacyadooda ku kala sheegeen:-

 

1-Cabdi Raxmaan Xuseen Maxamed

2-Haaruun Cabdi R

axmaan Cumar

3-Caliyoow Jiinoow Nuur

4-Maxamed Yuunus Mad Keer

5-Cabdi Shakuur Xasan Xuseen.

 

Maalin ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale Al Shabaab ay magaalada Jilib ku dishay illaa 5 ruux oo ay ku eedeysay in ay u basaasayeen sirdoonnada dowladaha

Mareykanka iyo Ingiriiska

Halkan ka dhagayso Qaadiga Maxkamdda oo riday xukunka dilka ah.Dhageyso codka qaaliga 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.