Home Afsomali Dhageyso masiibadii Zoobe tirada Guud 642 dhimasho 358 la la,yahay 56...

Dhageyso masiibadii Zoobe tirada Guud 642 dhimasho 358 la la,yahay 56 dhaawac la qaaday 122 iyo ……..

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa Caawa booqday Goobtii uu qaraxa ka dhacay ee  Zoobe iyaga oo intaas kadib shaaciyay khasaarihii Guud ee uu geestay qaraxaas.

Wasiirka Warfafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa Tirada Guud ee khasaaraha ku sheegay 642 qof oo 358 ka mid ah ay dhinteen.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 56 ka mid ah dadkaas ay maqan yihiin 122 dhaawac ah howlo Caafimaad loogu qaaday dowladaha Turkiga, Sudan iyo Kenya).

Halka Dhaawacyadii Muqdisho ku haray 99 qof ay caafimaadeen oo ay guryahooda ku laabteen 7 ruuxna ay Isbitaalada ku jiraan.
Weli sidoo kale lama soo bandhigin khasaaraha hantiyeed ee halkaasi ku burburtay.

Sidoo kale waxaa mudo 5 Maalin kadib ah dib loo furay Goobtii uu qaraxa ka dhacay oo xirneed iyada oo Berito wixii ka dambeeya sideedii hore loo isticmaali doono.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirk



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.