Home Afsomali Dhageyso Maxamed Cabdi Afey ‘’ Suurta gal Ma’ahan in Qof Xero Qaxooti...

Dhageyso Maxamed Cabdi Afey ‘’ Suurta gal Ma’ahan in Qof Xero Qaxooti Lagu Haayo 30-sano

Codka ka dhageyso linkiga Hoose 

Uqabilsanaha QM ee arrimaha qaxootiga Soomaliya Maxamed Cbadi Afey ayaa walaac ka muujiyey xaalada ay kunoolyihiin qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira  xeryaha qaxootiga ee caalamka.

Afey ayaa sheegay inuu socdaal ku tagay dalalka Yemen, Ehopia, Jabuuti, Kenya Iyo Uganda oo ay xero ku yaala wadamadaas ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed oo uu xusay inay ku noolyiin daruufo adag oo dhinaca nolosha, islamarkaana tilmaamay in xero dad shacab ah suurtagal eysan ahayn In lagu hayo mudo 30-sano iyo ka badan, isagoo carabka ku dhaftay inay adagtahay ku noolaansha xero qaxooti.

Maxamed Cabdi Afey Uqabilsanaha QM ee arrimaha qaxootiga Soomaliya ayaa si aad ah kaga hadlay xaalada qaxootiga soomaalida ee ku nool dalka Yamen oo uu sheegay in dhibaatooyin adag ay ku heystaan dalkaas, una sii dheertahay dagaalka ka socda Yamen, oo ay waxyeelo ka soo gaarto soomaalida, gaar ahaan kuwa qaxootiga, waxaana ka deyriyey nolosha dadka ku jira xeryaha wadankaas.

Maxamed Cabdi Afey oo horey IGAD u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya ayaa loo magacaabay mar sii horeysay uqaabilsanaha QM ee arrimaha qaxootiga Soomaaliya, kadib markii kenya ay sheegtay inay dib u celineyso qaxootiga ku sugan dalkeeda, oo ay ka mid tahay xerada ugu weyn qaxootiga aduunka ee Dhdhaab.




Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.