Home Afsomali Dhageyso Maxkamada Alshabaab oo dil toogasho ah ku filisay mid ka mid...

Dhageyso Maxkamada Alshabaab oo dil toogasho ah ku filisay mid ka mid ah nabadoonadii soo xulay Xildhibaanada oo 80 jir ahaa

halkaan ka dhageyso codka qaaliga

Maxkamad Alshabaab ee degmada Awdheegle gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xukun dil ah ku ridday mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay qaar katirsan xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.

Fagaare kuyaal Awdheegle ayaa lagu toogtay Cusmaan Diini Cali oo 82 sana jir ahaa islamarkaana kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee xildhibaanada kasoo xulay dhanka maamulka ‘Koofur Galbeed’ ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga ah oo xukunka akhrinayay ayaa sheegay in Cusmaan Diini Cali uu soo xulay Xildhibaano ay kamid tahay haweenay magaceeda lagusoo gaabiyay Muno oo kamid ah baarlamaanka DF-ka islamarkaana uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu kamid ahaa odayaashii Maamulka Shariif Sakiin ee Baydhabo kusoo xulay xildhibaanada.

Dagaa;yahana Al Shabaab ayaa horay magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ugu dilay qaar kamid ah odayaashii xildhibaanada soo xulay balse Cusmaan Cali Diini ayaa nolosha lagusoo qabtay isagoo ku sugan degmada Afgooye kadibna goob fagaara ah ayaa lagu toogtay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.