Home Afsomali Dhageyso Maxkamada Ciiiidamada Qalabka sida oo dil toogasho ah ku xakuntay laba...

Dhageyso Maxkamada Ciiiidamada Qalabka sida oo dil toogasho ah ku xakuntay laba dhalinyaro oo lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen dil Muqdisho loogu geystay mid ka mid ah odoyaashii xildhibaanada soo xulay

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidmada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta Xukun dil toogasho ah ku riday laba nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilka mid ka mid ah Odayaashii Xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Baydhabo.

Suldaan Hilowle Xeefow Xuseen,ayaa Maxkamadu sheegtay in ay ka dambeyeen dilkkiisa labadaan nin,balse markii dambe Gacanta lagu soo dhigay.

Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Goobta kag dhaqaaway Xukunka lagu riday raggaan.

Hoos Ka Akhriso Magacyada ragga la xukumay

Xasan Cali Xasan Keeroow 23 jir ah ina edebo xasan ibraahin ku dhashay Bakool.

Iyo C/raxmaan Ciise Cali fiidoow 20 jir ah ina Shukri sheekh siyaad ku dhashay Xamar degan Dayniile.

Hoos Ka Dhageyso Codka Maxkamada kan

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.