Home Afsomali Dhageyso Meyka wiil yar oo badu qaaday ayaa ku caariyey Mudo ka...

Dhageyso Meyka wiil yar oo badu qaaday ayaa ku caariyey Mudo ka dib xeebta bari ee dagmada kaaraan iyo Tacsi lo dirayo Reer Alwaasac

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi rajicuun waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa dhaman qoyska reer  xaaji Maxamud farax (xaaji waasac)walaal key gar ahaan c/qadir alwasac oo wiilkiisa xasan c/qadir uu bada Ku geeriyoday waxan alla uga baryaa naxiirstiii jano in illahsiiyo js janutul firdowsa in alla ugu bishareyo

Dhanka kale wararka ay somalisan.com ka heleyso dagmada kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xeebta dagmadaasi lagu arkey meydka wiil dhalinyaro ahaa oo badu qaaday kana mid ahaa sida la qayaasayo wiilasha bada u dabaasha taga .

sida uu saxaafada u sheegay taliye ku xigeenka saldhiga bolice-ka dagmada kaaraan Xuseen Badmaceeye in wiilka meydka ah da.diisa lagu qiyaasasay ilaa 20 jir kaasi oo badu ku soo tufta agagaarka kawaan bari isla markaana aan waji ahaan la aqoosan karin jir ahaana isbedelay .

ma aha markii ugu horeysay oo ay badu soo tufto dad ay qaaday waxaana dhacda in ay dhalinyaro badan sidaan oo kale ugu geeriyoodaan biyaha bada ka dibna xeebaha lagu arko meydad soo caariyey oo miyaha guud kooda sabeynaya ka dib marka ay qaado badu saacado ka dib

Sidoo kale Waxaa saakay Xeebta sagunta liido ee agagaarka Hotel Curuba ee Magaalada Muqdisho lagu arkay wiil yar kaasoo ay baddu qaaday shalay gelinkii dabe, kadib markii uu badda u galay wiilkaasi inuu ku dabaasho.

Meydka wiilkaasi markii la arkay yaa waxaa qaatay ehalada wiilkaasi dhintay kaasoo qoyska uu ka soo jeeda daganaayeen Degmada Shangaani, iyadoo Gudoomiyaha degmada Shangaani Ibraahin Maxamed Muqtaar Babaay oo saaka ka hadlayay meydkaani baddu soo tuftay uu sheegay in badda ay wali ku maqan yihiin 2- wiil oo kale, kuwaasoo isku mar ay baddu qadaay shalay galab.

“Dooman ayaan u dirnay si ay u soo helaan labada wiil ee Baddu qaaday raq iyo ruuxba” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Shangaani Ibraahin Babaay oo sidoo kale sheegay in wiilka ay saaka baddu soo tuftay jirkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo muujinaya in bahalada badda cuneen wiilkaasi.

Caruurta Soomaaliyeed ee Baddu qaado ayaa inta badan waxay sababsadaan iyagoo aan aqoon fiican u lahayn badda iyo mowjadaha hiraraka Badda oo mar mar sidii caruurtu ku ogaayeen wax iska badalaan taasoo keeni karta dhimashada caruur badan oo aqoon u lahayn ku dabaalashada Badda .

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.