Home Afsomali Dhageyso Muqdisho diyaarad fariin laga waayey oo ku dhacday mid kale...

Dhageyso Muqdisho diyaarad fariin laga waayey oo ku dhacday mid kale sida baabuurtii oo kale garoonka oo buuxa dartii

Wararka ka imaanaya Garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay saaki isku dhaceen laba diyaaradood oo mid ay soo dageysay midna horay u fadhisay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Diyaarada soo dageysay ayaa waxaa iska leh Midowga Yurub halka Diyaarada kala ay aheed mid shacabka qaada oo taalay Garoonka Diyaarahada Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Diyaarada Shilka sameysay ayaa xilligaas rabtay inay meel Parking ah gasho, waxayna qaybta Run wayga ee Parkinada ah ugu tagtay Diyaarad kale oo xilligaasi taagneyd, sidaasina shilka uu ku dhacay.

Sawirro laga soo qaaday Shilka diyaarada ayaa muujinaayay baal ka mid ah baalasha diyaarada oo si xun u bur buray.

Diyaarada meesha taalay ee baalka uu ka bur buray ayaa waxaa leh Shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha ee Muqdisho, xilligaasina waxa ay u taagneyd duulimaad inay qaado.

Labada Diyaaradood ee shilka galay ayaa waxaa ka daatay Shidaal badan oo ku jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.