ab
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey ahaana midkii qabtay mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Golasha Shacabka ayaa ka hadlay go’aankii ay mooshinkaas ku laaleen gudiga joogtada.
Shir Jaraa’id uu Muqdisho Caawa Warbaahinta ugu qabtay ayaa waxa uu sheegay in Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka uu isaga kaliya u yeero karo Go’aankii ay mooshinkaas ku laaleena uusan waxba ka jirin.
Waxa uu sheegay in mooshinkii uu qabtay ee laga gudbiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu yahay mid sharci ah oo aysan jirin cid burburin karta,isla markaana mooshinkaas ay u soo gudbiyeen 107 Xildhibaan.
Galabta ayay aheyd markii Kulan deg deg ah oo ay yeesheen Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ay sheegeen in mooshinkaas uu burburay kadib markii la waayay tiradii Xildhibaan ee loo baahnaa oo ah 93 Mudane.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Muudeey.