Home Afsomali Dhageyso nin kasta oo xaaskiisa fura waa la ganmaaxayaa

Dhageyso nin kasta oo xaaskiisa fura waa la ganmaaxayaa

Wasaaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay in lacag dhan $20 Dollar oo canshuur ah ku waajibisay nin kasta oo xaaskiisa fura ee soo raaciya warqadda dalaaq-muujinta ah,inkastoo aan qoraalka lagu xusin halka lacagtaasi lagu shubayo.

Munaasabad lagu daah furay Qabyo Tirka Xeerka Cashuuraha Moorka ayuu hadalkaan ku shaaciyay isaga oo ka hadlayay Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe ,waxana uu sheegay in sharcigaan Canshuurta lagu soo rogay ragga furaya xaasaskooda uu dhaqan galayo.

Go’aanka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ku soo beegmay,xilli haatan shaqo la’aanta baahsan iyo sixir bararka nolosha saameeyay ee degaannada Puntland ka jirto.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyadda Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.