Home Afsomali Dhageyso oo Taliyaha Guutada 60-aad Axmed Maxamed Cali “ Afcadeeye oo...

Dhageyso oo Taliyaha Guutada 60-aad Axmed Maxamed Cali “ Afcadeeye oo Ciidamada ilaaliya Madaxtooyada u sharaxay qaabka loogu gudbi karo Gudaha madaxtooyada dalka

Taliye Afcadeeye oo Farriin u diray Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyada

Axmed Maxamed Cali “ Afcadeeye “ Taliyaha Guutada 60-aad ee Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya  ayaa Ciidamada ilaaliya madaxtooyada ugu baaqay iney muujiyaan asluub wanaag iyo dulqaad marka ay shaqada ku jiraan.

Waxa uu sheegay in Wasiirada iyo Xildhibaanada soo booqanaya Madaxtooyada qaranka iney si wanaagsan ula dhaqmaan oo aysan ku xadgudbin.

Waxa uu sheegay in sidoo kale Ciidamada loogu baahan yahay iney si degan u dhageystaan qeybaha kala duwan ee bulshada marka ay arrin ka soo yeeshaan Madaxtooyada.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay iney si adag u baaraan ciidamada gaadiidka soo galaya Xarunta Madaxtooyada.

ayay ahayd markii Taliyaha Guutada 60-aad ee Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya  Axmed Maxamed Cali  “ Afcadeeye “ iyo Saraakiil kale ay tababar usoo xireen Ciidamada ilaalada ka ah Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.