Home Afsomali Dhageyso Qaabkii uu u dhacay Xukun Gacan Goyn ah oo maxakamada Alshabaab...

Dhageyso Qaabkii uu u dhacay Xukun Gacan Goyn ah oo maxakamada Alshabaab ka fulisay kuunyo barow ee Gobolka Jubbada Dhexe

Fagaare kuyaal deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta gelinkii dambe ka dhacay Xukun Gacan goyn ah oo lagu fuliyay ruux fal xatooya ah ku kacay.

Maxkamadda Islaamiga deegaanka Kuun Barroow ayaa la hor geeyay Nin lagu eedeeyay in uu hanti kumanaan kun dollar ah ka dhacay guryo kuyaal deegaanka.

Qaadiga Maxkamadda Islaamiga ayaa goobti fagaarihii uu  xukunku ka dhacayay ka akhriyay dambiga lagu helay Cabdi Fataax Cusmaan Axmed oo 19 sana jir ah.

Ninka Tuuganimada lagu helay ayaa qirtay in uu dhacay hanti  isugu jirta lacag Kumanaan Dollar ah, dhar, Moobillo, Kumbiyuuterro iyo hanti kale, Ninkan tuugga ah ayaa jabsaday illaa 5 guri oo uu ka xaday hanti gaaraysa 5,000 Dollar (Shan Kun oo dollar), intaas kadib ayay maxkamaddu ku xukuntay in hal gacan laga gooyo sidoo kale waxaa lagu xukumay in uu dib usoo celiyo hantidii uu xaday.

Qeybo ka mid ah Gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa gacanta ku haaya Alshabaab kuwaas oo ka fuliya Xukuno dadka deegaanku ay ka cabsadaan in lagu fuliyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.