Home Afsomali Dhageyso Qarax ka dhacay Xamar iyoTaliska Bolice-ka oo sheegay in Saxaafadu kala...

Dhageyso Qarax ka dhacay Xamar iyoTaliska Bolice-ka oo sheegay in Saxaafadu kala shaqeeyaan Sugida Amniga xogna Siiyaan (DAAWO SAWIRADA )

Taliska Ciidanka Bolice-ka oo ka hadlay Qaraxa gaariga ee Wadada Maka Magaalada Muqdisho halka uu u socday 

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa qarax gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka gaar ahaan ka soo horjeedka Hotel Wehliye ee dhanka degmada Waaberi.

Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo la sheegay in la soo dhigay goobta.

Qaraxa kadib Ciidamada ammaanka oo markii horeba la sheegay in ay hayeen xogta gaariga oo goobta soo gaaray ayaa afarta jiho rasaas u diray, iyaga oo durbadiiba xiray wadada.

Saraakiisha Gaadiidka gar gaarka deg dega ah e Ambalaasta ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si ay uga soo qaadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay warbaahinta qaraxa kadib ayaa sheegay qaraxan in ay ku dhinteen ilaa laba qof oo uu ku jiro ninkii Ismiidaamiyaha ahaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 9 qof oo kale.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay muujinayaan burbur xoogan oo soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ka akdhow.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay tahay goob aad u camiran, maadaama ay ka furan yihiin goobo ganacsi, waxaana xilliyadii galabkii soo fariista dad aad u fara badan oo goobtaasi ku shaaheeya.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.