Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Hassan Ali Khayre ayaa waxaa uu Khudbad taariikhi ah ka jeediyay Xarunta qaramada midoobay ee New York ee Dalka Mareykanka.
Ra”iisul wasaaraha ayaa sheegay in dhanbal Salaan ah uu ka sido Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kale faahfaahin ka bixiyay isbadalka ay Soomaaliya gashay iyo halka ay ka timid, Waxa uu qiray in Soomaaliya ay samaysay horumar la taaban karo
Dhanka kale Ra”iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddisa ay ka shaqeyneyso sidii ay u sii amba qaadi laheed Dowladnimada Dalka,Amniga sida Dalka loogu soo dabaali laha,waxa uuna soo hadal qaaday in wax loo qabto Wadamada kale ee Calaamka ee dhibtada ka jirta sida Dalka Mynamer iyo Wadamo kale.
Sidoo kale Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadiisa ay jirto oo kaliya Mudo 6 bil ka ah ayna qabatay Talaaboyin wax ku ool ah oo Xaga Nabad galyada ah,islamarkaana Xukuumadiisa ay kalin weyn ay siisay Qondada ay ku laheen,waxa uuna Carabka ku dhuftay in Dowlada Soomaaliya ay ka hortagtay Musuq Maasuqa,islamarkaana ay Xoojin doonto Dagaalka ay kula jirto Kooxda Al-Shabaab iyo Dalka Amni loogu soo dabaali lahaa.
Hoos ka Dhageyso