Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay saq dhexe kormeeray baraha Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa xasilinta ay ku leeyihiin caasimadda Muqdisho.
Kormeerkan ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa ku wehliyay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle (Islow) iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo xubno kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay soo maray xaafadaha Muqdisho oo ay ka mid yihiin Miisaanka-dhuxusa, Daaru-salaam, Ex-control, Gubta, xaafado ka tirsan degmooyinka Deyniile, Howlwadaag iyo Kaxda.
Wuxuu Khayre ku boorriyay Ciidamada in ay sii kordhiyaan howsha wax tarka leh oo ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda.
Kheyre ayaa markii uu soo gaba gabeeyay kormeerkaasi waxaa warbaahinta kula hadlay xarunta CID-da, wuxuuna sheegay Dowladda Federaalka in ay ka shaqeyneyso sidii loo dhameystiri lahaa xuquuqda Ciidamada.