
Aabahan ayaa sidoo kale sheegay in marar badan uu bixiyay xoolo uu xaday wiilkiisa uuna maaro uga waayay xatooyada, waxa uuna xusay in dhoor mar la xiray balse uu isbadali waayay halkiisana kasii waday muqaadaraadka iyo xatooyada.
Maxamed Dhayoow Aadan waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu noqday mid isticmaala waxyaabaha maanka dooriya sidoo kale uu ka xaday Xoolo badan uu lahaa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhowr jeer oo hore dad uu xoolo farabadan ka qaatay uuna ka dhiibay,hayeeshee ugu dambeyn uu Wabiga ku riday sidaasina uu ku dhintay.