Home Afsomali Dhageyso Safiirka somalia ee USA oo qorsheynayo in uu dib ugu celiyo...

Dhageyso Safiirka somalia ee USA oo qorsheynayo in uu dib ugu celiyo dalkooda dhalinyaro ku xiran xabsi mudo

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maraynkanka ayaa cabasho waxay ka yihiin safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, kadib markii ay sheegeen in la doonayo si qasab ah in dalka loogu soo celiyo.

Nuur Maxamed Maxamuud oo wareysi siiyey somalisan.com  ayaa sheegay in qarash badan uu ka baxay, islamarkaana si qaxooti ahaan markii ay ku tageen Mareykanka ay isku dhiibeen waaxda socdaalka, balse markii dambe xabsi la geeyey loona sheegay in dib loo celinayo.

Waxa uu sheegay Nuur in safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka ay kala caddeyn la dahay in la daayo iyo in kale, wuxuuna sheegay in qusulka safaaraddaasi uu isaga si gaar ah u amrayo in dadkaan dalka loo soo celiyo.

“Annaga dalkaan imaanshiyahiisa rafaad baan usoo marnay qarash badanna wuu inaga baxay, dowladda Maraykanka waxay  leedahay annaga idiin ma haysanno ee waxaa idin haysta safaaraddiina, gaar ahaan waxa na haysto waa qunsulka oo leh dalka ayaa la idiin celinayaa, dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in degdeg ay arrintan wax uga qabato” ayuu yiri Axmed Maxamed.

Samiir C/raxmaan waxa uu isagana kamid yahay dhallinyarada ku xiran dalka Maraykanka gaar ahaan xabsiga SBC ee gobolka Florida, waxa uu sheegay in qof walbo oo Soomaaliyeed ay uga baahan yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan arrintan maadaama waqtiga uu yahay mid sii socda.

Dhallinyaradan qaarkood waxay halkaasi ku xiran yihiin Saddex sano, iyadoo weli aanu jirin cid la deeyey, dhanka kalena safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka oo aynu xiriir la sameynnay inooma suurtagelin inaan helino mas’uuliyiintooda.

Halkaan ka dhageyso 

Somali embassy in United States has been accused of carrying out plans to deport dozens of asylum seekers to Somalia.

Somali immigrants in a US detention have said that they are facing forceful repatriation and lengthy detention without charge.

Noor Mohamed Mohamud who is among dozens of detainees in Florida detention centre speaking to somalisan.com  News on phone said that Somali embassy in that country asked US government to return the asylum seekers to Somalia.

Mohamud said he started his perilous journey from Africa and spent over $ 20, 000 dollars to reach the US soil via Mexico.

“I have been struggling to reach the United States as to build my  future here in US because we know the situation such as insecurity, jobless and dysfunctional government back home cannot afford us any better living,” noted Mohamud.

Another detainee identified himself as Samiir Abdirahman said they are over forty detainees who are jailed at SBC detention centre in Florida.

Attempt made by Goobjoog news to reach Somalia’s ambassador Ahmed Issa Awad to US for comment did not bear fruit.

Every year, tens of thousands of African migrants risk their lives to try and enter Europe on unseaworthy boats in search for a better life.

 

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.