Home Afsomali Dhageyso sanator Cabdi Xaashi gudoomiyaha Aqalka sare oo kismaayo howlo nabadeyn ah...

Dhageyso sanator Cabdi Xaashi gudoomiyaha Aqalka sare oo kismaayo howlo nabadeyn ah u aadaya

waxaa  la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  inay u ambabaxaan Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa ujeedka safarkooda waxa uu yahay sidii ay wadahadallo ula yeelan lahaayeen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe si loo dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan qorshaha lagu xalinayo khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada oo hadda ah mid geba-gabo ah,isla markaana kala hadlaan Madaxda Jubbaland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxda kale ee maamulkaas,iyaga oo kala hadli doonaan dhameynta arrimaha khilaafka.

Magalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Guddoomiyaha Aqalka Sare oo halkaasi Maanta ku wajahan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.