Home Afsomali Dhageyso Shariif Xasan Midnimada dalka Hala Adkeeyo

Dhageyso Shariif Xasan Midnimada dalka Hala Adkeeyo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in loo baahan yahay waqtigaan in dadka Sooamaliyeed iyo madaxdooda ay noqdaan kuwa midooba.

Sidoo kale Shariifka ayaa soo hadalqaaday xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Dhexe & Maamul Goboleedyada,waxa uuna sheegay in Somaliya ay ka mid ahayd dalalka Afrika ugu waaweyn, balse ay 27 sano ka hor u burburtay siyaasad aan deganayn awgeed, waxaana uu ku baaqay khilaafka siyaasadeed ee hadda jira in lagu xaliyo siyaasad degan.

Wuxuu sheegay inay doonayan in la dejiyo xiisadda siyaasadeed ee dalka ka jirta, si dalka uu horey ugu dhaqaaqo, ugana soo kabsado dagaaladii sokeeye ee wadanka oo dhan ragaadisay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Shariif

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.