Home Afsomali Dhageyso Sheikh Xasan Yaaquul Faramaajo waa ka shar badan yahay kuwii isaga...

Dhageyso Sheikh Xasan Yaaquul Faramaajo waa ka shar badan yahay kuwii isaga ka horeeyey waana la dagaalameynaa

Madaxweyne farmaajo ayaa ka dalbaday talisyada iyo saraakiisha ciidamada nabadilaalinta Africa in ay howlgalkooda Somaliya ku soo afmeeraan mudo laba sanadood hgudahood ah.

arakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeeysay shaacisay mowqifkooda ku aadan madaxweeynaha cusub ee dalka, ayagoo sheegay in hogaanka cusub ee uu dalku yeeshay uusan waxba kaga duwanayn madaxdii hore.

 

Gudoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo la hadlay warbaahinta afka alshabaab ku hadasha ayaa sheegay in Madaxweeyne Max’ed C/laahi Farmaajo ay la dagaalami doonaan si lamid ah sidii ay ula dagaalameen madaxdii ka horeeysay, isagoo intaa ku daray in Madaxweeynaha cusub uu uga daranyahay kuwii hore.

 

“Gaaladan Xamar wax kasoo dooraneeysa, madaxweeynaa la doortay la leeyahay, dadkaa taageeray, waxaa yimid nin wadani ah, nin gaalada neceb, nin Soomaali mideeynaya, waxaan idin leeyahay walaalayaal yaan lagu kaadsoomin dabinta gaalada,” ayuu Sheekh Xasan Yacquub yiri isagoo intaa ku daray in ay sii laba jibaari doonaan dagaallada ay uga soo horjeedeen dowladda.

Xasan Yacquub ayaa sheegay in Farmaajo uga shar badanyahay kuwii hore, isagoo yiri “Farmaajo 7-bilood ayuu nala joogay, dhibka uu muslimiinta u geeystay waad garaneeysaan.” Waxa uu sheegay in cid walba oo la shaqeeysa Farmaajo ay la dagaali doonaan, isagoo xusay in Madaxweeynaha iyo dadka la shaqeeyaba ay ka aaminsanyihiin gaalo.

Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa siweyn uga soo horjeeda nidaamka dowliga ah ee ka jira dalka, ayagoo ku tilmaama in uu yahay nidaam ay garwadeen ka yihiin dalal shisheeye.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.